Mid ka mida odayaasha dhaqanka beelaha Jubbooyinka ayaa laga soo masaafuriyey magaalada Kismaayo, kadib markii ciidamada Amniga maamulka Axmed Madoobe ay ku muddo ku xireen Garoonka, kadibna ku celiyeen diyaarad u socotay magaalada Muqdisho.
Suldaan Cabdi Suldaan Maxamed Culusow ayaa sheegay inuu ka mid ahaa odayaal dhaqameedyo gaaraya 30 oo gaaray magaalada Kismaayo oo halkaasi lagu soo dhoweeyay, balse isaga uu ka waayey boorsadii halka laga qaadan lahaa, kadibna ay u yimaadeen ciidamada garoonka oo u sheegeen inay su’aalo weydiinayaan, kadibna ay ku xireen qol ka mida garoonka, kana qaadeen telefoonadii uu watay.
Suldaanka ayaa sheegay in muddo kadib si qasab ah lagu soo saaray diyaarad u diyaarsan inay kacdo oo amar lagu siiyey inaysan dhaqaaqin, si halis ahna lagu soo saaray, iyadoo ay wadeen 12 askari oo hareeraha ka socday, waxaana loogu soo celiyey magaalada Muqdisho.
Suldaan Cabdi Suldan Maxamed Suldan Culusow ayaa sheegay in isaga si gaara loo bartilmaameedsaday isagoo ka mid ahaa odayaasha doonaya inuu isbedel ka dhaco hoggaanka maamulka Jubbaland, isla markaana Axmed Madoobe uu sameystay odayaal kasoo jeeda beeshiisa oo been abuur ah, sida uu yiri.