Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Saldhiga Booliska Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay Nin hubeysan oo la sheegay in uu dhac geystay.
Ninkan oo wararka qaar sheegayaan inuu ka tirsanaa ciidamada Milatariga, kuna labisnaa dareyskooda ayaa la sheegay inuu xaafada Raadeerka ee degmada Deyniile dhac ugu geystay dad shacab ah, isagoo ka qaatay Telefoonada Gacanta ee Mobiles-ka.
Ciidamada Booliska oo lagu wargeliyey askariga dhaca wada ayaa weerar ku qaaday si ay u qabtaan, waxaana la sheegay inuu askarigii galay Guri isagoo is difaacay, sidaasina ay ku toogteen ciidamada.
Dilka askariga kadib ayey ciidamadu galeen Guriga uu ku jiray, halkaasi oo laga soo saaray Mobile-yadii uu dhacay, waxaana meydkiisa loo qaaday Xarunta dembi baarista ee CID-da.
