Faahfaahin dheeraad ah laga helay dilal sacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho oo intooda badan ay dileen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha Booliska Gen. C/llaahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay saddex askari loo xiray dilkii loo geystay Dayax liman Xasan Jiirow, waxaana askarta la xiray ku jira Gaaneri Dhashiike oo rasaasta ku furay marxuumka jidka oo ciriiri ahaa dartiis.
Taliye Bariise ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ammaanka ay dilka marxuumad Ardayad Aamino Xasan Xuseen u soo qabteen ciidankii ilaalada ka hayay xarunta Jaamacadda, macalinka xiisada bixinayay iyo eedeysanayaal kale oo kiiska ka qeyb qaatay.
Wuxuu kaloo caddeeyay in xabsiga la dhigay dadkii ka danbeeyay dilkii loo geystay ninkii nolosha lagu gubay ee Axmed Dowlo oo shalay ka dhacay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo uu baaritaan socdo.
“Waxaan soo qab qabanay dhawr xubnood oo baaris ay ku socoto dhammaan dadkan la soo qabtay waxaa lala xiriirinayaa dilal ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha ammaanka oo jawaab deg deg ah ka bixiyay falalkan”. Ayuu yiri Gen. Bariise.