Monday, July 7, 2025

Ciidamada Dowladda ee Dh/Mareeb oo xiray mas’uul ka tirsan Ahlu suna & xayiraad cusub oo lagu rogay..

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sii xoojiyey xayiraadda saaran xarunta Ahlu suna ku leedahay magaaladaasi ee INJ.

Xaruntan oo fadhi u ah madaxda Ahlu suna oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo madaxweynaha Galmudug ay u magacaabeen Ahlu suna ayaa horeba waxaa dhinac waliba ka joogay ciidamada dowladda, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ciidamada dowladda ay xireen mas’uul ka tirsanaa Ahlu suna oo kasoo baxay xaruntaasi.

Ciidamada dowladda ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xiray Axmed Walad Cabdalla oo hore u ahaa Gudoomiyaha Ahlu suna ee magaalada Dhuusamareeb iyo xubno la socdey, isla markii ay kasoo baxeen xarunta Ahlu suna ee INJ oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Ahlu suna.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in madaxda Ahlu suna ay soo rogeen amar ah in la yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka xarunta Ahlu suna INJ, iyadoo cadaadis la saarayo mas’uuliyiinta iyo dadka ku socda xaruntaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON