Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan oo kooxda Alshabaab kala wareegay degaanka Moqokori

Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay la wareegay deegaanka Moqokoro ee Gobolka Hiiraan oo ay hore u heysteen kooxda Alshabaab.

Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay xarunta Moqokari, iyadoo weerarka oo kedis ahaa ay ciidamada dowladda iyo Alshabaab uu dhex maray iska hor imaad kooban, kadibna Alshabaab isaga baxeen halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa sheegy inay gaareen degaanka Moqokori, ayna kala wareegeen Al-shabaab oo mudo dheer ka talineysay. Lama shaacin qasaaraha  ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay halkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON