Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la wareegay Koontaroolada lagu qaado canshuuraha ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamulka Galmudug.
Ciidamada oo taageersan madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Ahlu suna kala waregay Koontaroolada oo lacago canshuur ah looga qaadi jiray gaadiidka, iyado lacagtaasi ay ku dhici jirtay gacanta madaxda Ahlu suna, balse hadda la hoos geeyay Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Madaxweyne Qoorqoor.
Wararka ayaa sheegaya in Koontroolada magaalada Dhuusamareeb iyo canshuuraha lagu qaado uu madax ka ahaa Maxamuud Cali Xassan oo ay walaallo yihiin Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan -madaxweynaha Ahlu suna ee Galmudug.
Waxaa kaloo maamulka Qoorqoor ee Galmudug uu la wareegayaa madaxa canshuuraha ee Garoonka Dhuusamareeb, koontaroolada Canshuuraha ee Degaanka Guriceel iyo dhammaan baraha lagu qaado Canshuuraha ee ay hore u heysteen xubno hoos taga Sheekh Maxamed Shaakir.
Wasaarada Maaliyada Galmudug ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dhaqale u heli lahayd, iyadoo hadda lagu wareejiyay Canshuuraha Gaadiidka magaalada Dhuusamareeb, waxayna arrintan dib u dhac weyn ku tahay Ahlu suna oo ka hor timid doorashadii madaxweyne Qoorqoor.