Wednesday, October 5, 2022

Ciidamada Dowladda oo dagaal ku qaaday Maxkamadii Alshabaab u furtay Dadka Muqdisho iyo Qasaare..

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa saaka ka dhacay degaanka Basra ee degmada Balcad Gobolka Sh/Dhexe.

Weerar ay qaadeen ciidamada Gaarka ah ee Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ee Duufaan ayaa ka dhacay degaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi ee u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad oo Alshabaab ka dhigteen Maxkamad ay ku qaadaan Dacwadhaa Madanig ah ee dadka Muqdisho oo muddo dheer halkaas ka howl galeysay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhex maray labada dhinac, iyadoo ciidamada dowladda ay la wareegeen goobihii lagu dagaalamay, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qasaare dhimasho iyo dhawaac.

Ad

Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Alshabaab, ayna sii daayeen ganacsato iyo maxaabiis ay heysteen.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka saaka ku dhaawacmay taliyihii howlgalada gobolka Banaadir ee ciidanka Haramcad Salaad Maxamed Carabey.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee ciidamada NISA iyo Booliska wadajir ugu qaadaan Alshabaab, waxayna kusoo beegantay iyadoo Alshabaab ay kordhisay weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON