Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Qeyta 21-aad ee milateriga Soomaaliya lagu qarxiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda degaanka Sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay ku dhinteen 2 askari, kuna dhaawacmeen 12 askari oo kale, lagana cabsi qabo in qasaaruhu intaas ka bato.
Ciidamada la qarxiyey ayaa ahaa kuwii Taliyaha qeybta 21-aad oo aanu isagu la socon, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah.
