Thursday, July 3, 2025

Ciidamada Galmudug oo gudaha u galay degaan ay heysatay Alshabaab iyo ciidamada huwanta oo kusii jeeda..

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen degaan ka mida Gobolka Mudug oo Alshabaab ay heysatay.

Ciidamada weerarka ku qaaday degaanka Camaara oo ay ka talinayeen Alshabaab ayaa ka koobnaa ciidamada Galmudug, kuwa dowladda Federaalka ee Milateriga iyo Danab, waxayna dhinaca hawada ka taageerayey diyaarado.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo degaanka Qodqod oo u dhaxeeya degaanada Sirgo iyo Camaara, ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa wajahaya dagaal culus oo Alshabaab kala hor yimaadeen.

Degaanka Camaara ayaa 180 KM u jira magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, wuxuuna qeyb ka yahay howlgalka ciidamada huwanta ku doonayaan inay Alshabaab uga saaraan qeybo ka mida Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyadoo ku sii jeeda magaalooyin dhowr ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON