Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Guddoomiyaha G. Hiiraan oo hor istaagay Ergadii Doorashada Kursiga HOP004.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in la hor istaagay doorasho kursi ka mida Golaha shacabka oo maanta k dhici lahayd halkaasi.

Ciidamada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hor istaagay oo dib u celiyay Ergadii Dooran laheyda Kursiga HOP004 oo xalay si degdega musharixiinta u tartamaya shahaadooyin loo siiyey, maantaba la dooran lahaa.

Ciidamada falkan ku dhaqaaqay oo amar ka heysta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dib u celiyay Ergada, waxayna ku amreen inay dib u laabtan, iyagoo ka xiray Albaabka xarunta Gobolka.

Arrintan ayaa ka danbeysay qoraal uu xalay soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo uu ku joojiyay Doorshada kursigan, sababo la xiriira xaalad Amni darro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON