Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Magaalada Muqdisho. iyagoo gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab.
War kasoo baay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay aysan jirin cid wax ku noqotay, isla markaana lagu soo qabtay xubin ka tirsan Alshabaab oo maleegayey qarax.
“Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin Alshabab ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan, Howlgalka cidi wax kuma noqon, Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena”.
Hay’adda NISA ayaa tan iyo intii uu madaxdeeda ka mid noqday Fahad Yaasiin waxay si joogto ah u soo saartaa howlgallo lagu sheego in lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab oo aan faahfaahin laga bixin.