Friday, April 19, 2024

Ciidamada Itoobiya oo Dalbaday inay lagu wareejiyo Garoonka Kismaayo & Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay inay doonayeen inay galaan Garoonka Kismaayo, basle laga hor istaagay, halka warar kale sheegayaan iany dalbadaeen in lagu wareejiyo amniga Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Kenya iyo Ciidamada maamulka Jubbaland ee hoos taga madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka iyo baabuurta gaashaaman, kana baxay saldhigga ay ku leeyihiin xarunta Jaamacadda Kismayo ay ku sugan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoo weli ay taagan tahay is mari-waaga labada dhinac

Ad

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wararku sheegayaan inuu ciidamadiisa ku amray inaysan ka bixin Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo. Lama oga cidda ay ka amar qaadanayaan ciidamada Itoobiya ee doonaya inay la wareegaan Garoonka magaalada Kismaayo. Warar kale ayaa sheegaya in diyaarad sida ciidamo Itoobiyaan ah loo diiday inay soo caga dhigato garoonka magaalada Kismaayo.

Ciidamada Axmed Madoobe ayaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo u isticmaali jiray inay ka celiyaan ciddii aanay dooneynin ama ka soo masaafuriyaan dadka ka horjeeda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON