Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Koofiyad Casta ee ilaalada Madaxtooyada oo Howlgal ku qaaday xaafadaha ku dhow Villa Somalia

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomalaiya ee ‘Koofiyad Casta’ ayaa xalay saqdii dhexe kadib howlgal ku aaday xaafadaha ku xeeran xarunta Madaxtooyada ee Vila Somalia ee degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere.

Howlgalkan oo ahaa mid aan hore loo arag oo habeenimo dhacay ayey ku lug yeesheen ciidamada Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ragga dhalinyarrada ah oo laga soo ururiyey xaafadahaas xilli ay hurdeen markii ciidamada ay guryahooda ugu galeen.

Dhalinyarro badan oo howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa markii dambe la isugu geeyey barxadda Iskaashatada iyo agagaarka xarunta Taliska Booliska ee u dhow Radio Muqdisho, waxaana labadaasi goobood lagu kala saaray dhalinyarradaasi.

Qaar ka mida xubno indhaha xiran ee NISA ka mida ayaa la sheegay inay kala saareen dhalinyarradii laga soo uriryey xaafadaha u dhow Madaxtooyada, iyadoo qaar kooban oo ka mida goobtaasi laga watay, lana sii daayey intii badneyd.

Howlgallada noocan oo kale ah ee habeenadii loo dhaco muwaadiniinta ayaa socon jiray xilliyadii dowladii Shariif Sheekh Axmed iyo sanadkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana si weyn uga hor yimid Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo dadka Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON