Friday, June 27, 2025

Ciidamada Kumaandooska ee Turkigu tababaray oo ka howlgelaya Dhuusamareeb [Kheyre oo booqday – Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qeybta ka qaadanaya sugiddaamniga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Kumaandooska Milateriga Soomaaliya ee Turkigu tababarray ayaa ka mida ciidamada ay dowladda Somalia geysay magaalada Dhuusamareeb, waxaana markii ugu horeysay muuqaaladooda ay ka soo muuqdeen kormeerkii Ra’iisal wasaaraha ugu tegay maanta, waxaana wehliya ciidamada Booliska gaarka ah ee Harmacad oo iyaguna ay dowladda Federaalka u daabushay magaaladaasi.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka, waxaana Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ciidamada u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsan tahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON