Friday, July 4, 2025

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee tababarka kusoo qaatay Turkiga oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho. (Sawirro)

Waxaa Muqdisho lagu soo dhoweeyay ciidamada Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya oo tababar gaara kusoo qaatay dalka Turkiga.

Soo dhoweynta ciidamadan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo saraakiil milateriga Turkiga ee Soomaaliya ka howlgala, waxaana gaada-ka-cayaar kusoo bandhigeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Cutubyo katirsan Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Gor-Gor ayaa ka mida ciidmada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Turkiga u tababartay Soomaaliya, waxayna muddo bilo ah kusoo qaateen Gobollada Turkiga.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa sheegay in ciidamadan ay door weyn ka qaadan doonaan dadaalada Dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka..

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa isna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka xoogga, isagoo intaa raaciyay in tababarada gaarka ah ee ciidamada ay ku soo qaataan Dalka dibadiisa ay qeyb ka tahay joogtaynta xuquuqda ciidamada.

SAWIRRO

Image may contain: 6 people
Image may contain: airplane and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 6 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON