Sunday, June 22, 2025

Ciidamada Milateriga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Dagaal culus ku dhex marayo Baraawe

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Magaalada Baraawe ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada Milateriga dowladda Federaalka iyo Daraawiishta maamulka K/Galbeed ee ku sugan Madaxtooyada magaalada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilowday askari ka tirsan ciidamda dowladda oo ay dileen Daraawiishta K/Galbed, taasoo keentay inay weerar qaadaan ciidamada Milateriga oo dilay saddex ka mida Daraawiihta K/Galbeed.

Xaalada magaalada Baraawe ayaa aad u kacsan, waxaana dagaalka oo la isku sadeegsayy hub kala duwan uu xoogeystay casirkii kadib, iyadoo ilaa Caawa xilliga habeennimo uu socday, waxaana la soo sheegay inuu qasaare badan dhaliyay, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dadkii magaalada deganaa.

Ad

Qasaaraha dagaalka ayaan si buuxda loo xaqiijin karin, iyadoo magaalada Rasaas culus ka dhaceyso, waxaana socda waanwaan ay qeyb ka yihiin ciidamada ATMIS, taasoo wwli aan lagu guuleysan.

Dagaalka Baraawe ayey dadka qaarkii u fasirayaan weji qabiil oo labada ciidan ee dagaalamaya lagu kala saarayo, iyadoo Alshabaab ay ku sugan tahay duleedka magaalada Baraawe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON