Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay xirtay Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.
Xariga Guddoomiyaha Rugta ganacsiga G/Banaadir Axmed Cllaahi Xasan iyo ku xigeenkiisa Axmed Jimcaale Maxamud ayaa ka dambeeyay War dhowaan ka baxay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da oo lagu sheegay inay soo magacawday Alshabaab, markii ganacsatada Gobolka Banaadir ay dhowr sano xilkaasi isku heysteen.
NISA ayaa dabagal ku heysay labada mas’uul ee ay maanta xirtay, waxaana la sheegay in baaritaan dheeraad ah ku socdo…
WARBIIXINTA AAN KA DIYAARINAY GUDDOOMIHAHA LA XIRAY HOOS KA AKHRISO