Howlgal weyn oo baaritaan culus ah ayay Ciidamada amniga iyo kuwa Amisom ku qaadeen saaka xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ay qaadeen howlgalka oo ah kii ugu weynaa ee labada dhinac wadajir ah u fulinayaan, wuxuuna ka danbeeyay weerarro dhowr ah oo degmadaasi ka dhacay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay guri kasta galayaan iyadoo si gaara u bartilmaameedsanaya, iyadoo xaafadaha ka tirsan degmada Heliwaa ay ka howlgalaan maleeshiyada Alshbhab.
Xaafadda Suuqa Xoolaha oo ah halka ay howlgalldaka dhaceen ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhalinyaro fara badan oo baritaan lagu hayo lagu kala soocayo dadka lagu soo qabtay howglalka.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo habeen hore ay Alshabaab weerar xoog leh ku qaadeen xerada ciidamada Amisom ee Maslax.