Ciidamada Suudaan ayaa weerar cirka iyo dhulka ah ku qaaday Aagaga ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee gobolka Al-Fashaga oo ah gobol xuduudka labada dal ku yaalla oo lagu muransan yahay.
Weerarka Ciidamada Sudan ayaa ahaa mid ballaaran oo ay ku ekeeyeen ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degaanka lagu muransan yahay, iyagoo dib ula wareegay deegaanada Kala-Leban iyo Barkhat iyo buuraha Tesfai Adawi ee Gobolka Fashaga.
Ciidamada Sudan ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen tobaneeyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, ayna howlgallo ka wadaan dhowr goobood oo ka haray xadka Suudaan ay aamisan tahay inuu labada dal kala qeybiyo.
Isniintii shalay ayay dowladda Itoobiya beenisay dilka 7 askari oo Suudaani ah, iyadoo shaaciay in Suudaan oo weerar la soo qaaday kooxda TPLF, ay maleeshiyo Itoobiyaan ku dishay gudaha dhulka Itoobiya.
Taliyaha guud ee ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhaan ayaa shalay hadal uu ka jeediyay Al-Fashaga ku ballan qaaday in uu u aargudi doono ciidamda laga laayey dalkiisa, taasoo keentay weerarka Ciidamada Suudaan ku qaadeen kuwa Itoobiya ee ku sugan deegaanka Al-Fashaga.
Xaalada dalalka Itoobiya iyo Suudana ayaa aad u kacsan, waxaana labada dal ay qarka u saaran yihiin dagaal buuxa oo ka dhex qarxa.

