Thursday, April 18, 2024

Ra’iisal wasaarihii hore Rooble oo jawaab culus u diray Fahad Yaasiin, Prof. Ingiriis iyo Sheekh…

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xilka wareejiyey ayaa jawaab dadban o oculus u diray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasiin iyo Prof. Maxamed Xaaj Ingiriis oo eedo uga jeediyay baraha bulshada.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda xil-wareejinta ayuu Rooble sheegay inay jiraan dhaqanno xun oo kusoo batay dadka, sida dad sheeganaya Aqoonyahan iyo Sheekh, ayna sameeyaan been abuur iyo dacaayado, oo hadba qof ay kireysato, ayna tahay in laga waantoobo.

“Qofka oo siyaasadda looga guuleysto waxaa haboon inuu sugo waqti kale, balse aanu maciin bidin waxybaahihii aan aragnay maalmihii lasoo dhaafay..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo jawaabtaan u diray Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ad

Dhinaca kale wuxuu Rooble ugu baaqay madaxda dowladda cusub inay baaritan ku sameeyaan, dhibaatooyinkii loo geystay Guddiyada Doorashooyinka, xuquuqda Muwaadinta iyo Dimoqraadiyadda dalka.

“Madaxda Dowladda waxaan ka dDalbanayaa in baaritaano lagu sameeyo dibindaabyadii lagu sameeyay Arrimaha Dimuquraadiyada, guddiga doorashooyinka dalka”. Ayuu yiri RW Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON