Monday, June 23, 2025

Ciidamadii DANAB ee la geeyay Gaalkacyo oo dad ka afduubtay Gaalkacyo (Dhageyso Qeylo dhaanta Galmudug)

Ciidamadii DANAB ee Kumaandooska Milateriga Soomaaliya oo dhowaan la dejiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa lagu eedeeyay inay afduub ka geysteen magaaladaasi, sida uu shaaciyay mas’uul ka tirsan Galmudug.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee DANAB ee dhwaan degay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo ay la socdaan  Ciidanka Sirdoonka Puntland ee PIS iyo Saraakiil Mareykan ah, sida warka loo dhigay ayaa odayaal ka Afduubtay Dhinaca Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo oo hoos tagta maamulka Galmudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Koofurta Gaalkacyo ayaa shaaciyay  in Ciidamada yimid garoonka Gaalkacyo ay xaalad amni darro iyo khalkhal  ka abuureen Gaalkacyo iyadoo afduubtay odayaal  uu ku jiro nin waayeel ah oo miyiga magaalada ka soo galay.

Wuxuu si kulul u sheegay in howlgalkaasi aaan aan lagala tashan maamulka Galmudug oo uu sheegay inuu leeyahay  ciidamo  Boolis iyo Nabadsugid leh.

Waxaan weli kala caddeyn ujeedka ciidamada la geeyay Gaalakcyo oo warar kala duwan kasoo baxayaan, waxayna arrintan ugu danbeysay ay xaaladda ka dhigeysaa mid cakiran.

DHAGEYSO DUQA GAALKACYO-GALMUDUG

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON