Sunday, July 6, 2025

Ciidamo badan oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho iyo Midowga Musharixiinta oo go’aan degdeg ah…

Wararka laga helayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo badan caawa la dhigay wadooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Baarlamaanka.

Arrintan ayaa timid kadib markii xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka loo diray farriin ku saabsan inuu kulan degdeg oo Berri uu yeelanayo Golaha shacabka, kaasoo looga hadlayo Mooshin ku saabsan Doorashada Qaranka. (Akhri Warkan)

Mooshinkan oo la sheegay inay wadaan xildhibaanno taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku saabsan in meesha laga saaro heshiiskii Doorashada dadban, kadib markii lagu heshiin waayey, dibna loogu noqdo Doorasho Qof iyo Cod ah iyo muddo kordhin 2 sano ah.

Waxaa hadda shir degdega ku leh Muqdisho xubnaha Midowga Musharixiinta oo lagu wado inay goor dhow ka hadlaan go’aankooda ku saabsan muddo kordhinta la filayo inuu Golaha Shacabka ku dhaqaaqo Berri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON