Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la kordhiyay ciidamada ilaalada madaxtooyada ee ku sugan baraha koontaroolka ee ku wareegsan Villa Somalia.
Kadib iska hor imaadyo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku lug yeesheen ciidamada ilaaliya madaxtooyada, isla markaana laba koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada ay ka dhaceen is rasaaseyn iyo qasaare dhimasho leh ayaa keentay tallaabadan cusub.
Koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada ayaa dhammaantod lagu kordhiyay ciidamo cusub oo ka badan kuwii hore, waxaana sidoo kale lagu arkay gaadiidka dagaalka oo lagu xoojiyay ciidamadaasi.
Isgoysyada isbedelkani saameyay waxaa ka mida Ceelgaabta, Tiyaatarka, Sayidka iyo Godka Jilacow. Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa ka wada howlgalaya baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto xiisad nabadgelyo darro oo laga cabsi qabo inay heystaan ciidamo ka tirsan milateriga oo beel ahaan u abaabulan.