Saturday, August 2, 2025

Ciidamo Beeleed oo weerar ku qaaday Xarunta Nabadsugidda Jubbaland Kismaayo & Sarkaal ay kala baxeen

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo u abaabulan qaab beeleed ay weerar ku qaadeen xarunta FIAT ee ciidamada Nabadsugidda ee Jubbaland.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa Jubbalan, balse isu abaabulay qaab beeleed iyagoo ka carsyshnaa sarkaal ku heyb ahaa oo ay xireen ciidamada Nabadsugidda Jubbaland, waxayna weerarkaasi kula baxeen sarkaalkaasi xirnaa oo magaciisa lagu sheegay  C/jabbaar Xasan Dubad.

Dagaal socday in ku dhow Nus saac ayaa ka dhacay xarunta FIAT ee nabadsugidda magaalada Kismaayo, waxaana xaaladu ahayd mid dagaal, iyadoo markii danbe ay goobtaasi gaareen ciidamada madaxtooyada Jubbaland.

Ciidamadii beeleed ee la baxay sarkaalkii ka xirnaa ayaa weli magaalada ku sugan, waxaana socda waanwaan ku saabsan shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON