Ciidamo cusub oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ee Koofiyad casta ayaa lagu kordhiyey baraha laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia, kadib weerarkii Sabtidii shalay ka dhacay Barahaasi.
Ciidamo cusub oo ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalad Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka lagu arkay barta Ceelgaab ee weerarku ka dhacay, waxayna amarro cusub ku soo rogeen dadka iyo Gaadiidka adeegsanaya bartaasi oo gebi ahaan diiday in halkaasi laga gudbo.
Ciidamada ayaa gebi ahaan gooyey isticmaalka jidka gala madaxtooyada ee ka yimaada Isgoyska Ceelgaabta iyo wadadda kale ee hormarta iridka Beerta Nabadda, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay marista wadadda hor marta Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore loo ogolaa shaqaalaha dowladda, kuwaasoo maanta loo diiday inay gaadiid ku maraan.
Waxaa la yaab lahaa in ciidamada ay wadooyinka gala madaxtooyada qaarkood u diideen dadkii shacabka ahaa ee lugeynayey, taasoo ah arrin aan hore loo arag oo ciriiri cusub gelisay isu socodka dadka.