Wednesday, July 9, 2025

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Madaxweyne Farmaajo uga hor maray Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyay magaalada, kuwaas oo ka qeyb qaadanay sugidda ammaanka waddiga madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxayna wararku sheegayaan in ciidamadan loogu diray halkaasi sugidda ammaanka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo halkaasi ku soo wajahan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in Ciidamadaan tegay Magaalada Dhuusamareeb ee AMISOM ay yihiin kuwa wata hub culus iyo gaadiidka dagaalka ayna gaarayaan dhowr boqol, waxayna ka tageen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada  gaarka ah ee ilaalada madaxweynaha ayaa iyagana lagu wadaa inay tagaan magaalada Dhuusamareeb maalinta berri ah, iyadoo ay ku hor mareen xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON