Sunday, June 29, 2025

Ciidamo loo diyaarinayay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo oo lagu Qarxiyay magaalada Kismaayo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay magaalada Kismaayo oo lala beegsaday ciidamo boolis ah.

Ugu yaraan Sarkaal Boolis ah ayaa ku dhintay, 20 kale waa ku dhaawacmeen Qarax lagu qaaday saldhigga booliiska magaalada Kismaayo.

Askarta la qarxiyay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa Baambeyda iyo miyuusikada ciidamada Booliska, waxaana ciidamadan loo diyaarinayay soo dhoweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qaraxani wuxuu ku soo aadayaa iyadoo la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqashadiisii ugu horeysay ku tago magaalada Kismaayo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON