Wararka laga helayo gobolka SH/dhexe ayaa sheegaya sheegay in howgal ay iska kaashanayaan ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah uu ka dhacay degaan ku yaalla duleedka magaalada Jowhar.
Howlgalkan waxaa si wadajira u fuliyey ciidamo Maraykan iyo Soomaali, kuwaasoo xalay Saqdii dhexe weerar ku qaaday tuulada Jameeco Jilyaale oo ku dhowaad 50 KM Galbeed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka dhinaca hawadana ay ka taageerayeen diyaaadaha dagaalka ay weerar ku qaadeen Dugsi tababar ay maamulkaan Alshabaab oo dhalinyarro degaankaaasi ay wku tababarri jireen.
Ciidamada ayaa la sheegay inay howlgalka ku dileen 5 ka mida maleeshiyada Alshabaab ee halkaasi ku sugnaa, waxayna hore u kaxeysteen dhalinyarro caruuru badan ku jirtay dugsiga tababarka oo tiradooda aan la sheegin.
Waa howgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay wadajir u fuliyaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah oo lagu tilmaamay inay Mareykan ahaayeen.