Wednesday, July 30, 2025

Ciyaal-weero Dil Naxdin leh ka geystay Muqdisho iyo Xaaladda oo kasii dareysa..

Dil kale oo naxdin ah ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Silliga Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay geysteen kooxaha loo yaqaan Ciyaal-weerada ee ka kacay caasimadda Muqdisho.

Wiilkan oo ahaa 17 sano jir ahaa ayaa la sheegay inay xalay ku heleen xaafadiisa, iyagoo ciyaal weero fara badan ay dhexda gashadeen, kadibna ilaa 7 Toorey ah ay jirkiisa geliyeen, si silac ahna ugu dhintay Isbitaalka markaas dhaawiciisu halis ahaa, sida ay sheegeen Ehelka wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Axmed Fiidoow.

Aabaha dhalay Wiilka ay ciyaal-weerada xalay dileen iyo ehelka ayaa Booliska ku eedeeyay inay la shaqeystaan ciyaal-weerada, waxayna ku baaqeen in dadweynaha ay is abaabulaan oo iska celiyaan kooxaha dhibaatada badan ku haya dadka Muqdisho.

Dhibaatada Cilaa-weerada ku hayaan dadka Muqdisho ayaa kasii dareysa, iyadoo ay xaaladu gaartay in Alshabaab ay shaaciso dagaal ay ku qaadeyso Ciyaal-weerada, taasoo muujineysa inay Booliska iyo Hay’adaha Amniga Muqdisho ku fashilmeen wax ka qabashada arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON