Xaalad kacsan ayaa ka dhalatay hubin dheeraad ah oo lagu soo rogay xildhibaannada Golaha Shacabka, taasoo saameyn gaara maanta ku yeelatay Haweenka Xildhibaannada ah.
Waxaa dhacday in ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ay baaritaan ku soo rogeen Boorsooyinka ay wataan Xildhibaannada Haweenka oo la amray in SCAN la mariyo, lagana qaadayo xildhibaannada.
Buuq arrintan ka dhashay ayaa saameeyay fadhigii Golaha Shacabka inta uusan furmin, waxaana arrintan cabasho xoog leh ka keenay Xildhibaannada Haweenka ah oo diidan in iyaga si gaara loo bartilmaameedsado.
Xildhibaanada Haweenka ah ee Golaha Shacabka ayaa loo diideen inay Boorsiyoonka ay wataan la galaan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana arrintan ka hadlay Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuux oo sheegay in baaris dheeraad ah oo amni ay iska qaateen Guddiga Joogtada ah, basle aysan ahayn mid u gaara haweenka xildhibaannada ah.
Wararka ayaa sheegaya In arrintan ay timid, kadib cabsi amni oo looga baqay inay ka dhacdo xarunta Shirarka ee Golaha Shacabka xilli uu soo dhow yahay xiritaanka kalfadhiya labaad Golaha.
“Qofkii Golaha imaanaya muhiimadu waxay ahayd haddii uu wato Qalab weyn inuu tuso qolada Scanka ee Amniga, kumana koobna Haweenka xildhibaannada ah” ayuu yiri xildhibaan Nuux, kadib gadood ay sameeyeen xildhibaannada haweenka qaarkood.
