Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleedayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado kadib markii uu ka soo laabtay socdaal laba toddobaad qaaday oo uu ku tegay degaanada Bariga Mudug oo dagaal ay ciidamadiisa kula galeen Alshabaab ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan dagaalka ay la galeen Alshabaab, wuxuuna dhinaca kale farriimo culus u diray maamulka Puntland iyo Itoobiya.
Wuxuu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Waqooyiga Gaalkacyo, wuxuuna kula taliyay Puntland inaysan Alshabaab u saarin degaan gaara, sida Koonfurta Soomaaliya, taasina ay tahay ujeedka Alshabaab oo la fuliyay, wuxuuna Puntland ugu yeeray inaan farta lagu fiiqin dad gaara.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu kaloo ka hadlay barakin ay ciidmada Itoobiya ku hayaan shacabka ka tirsan Galmudug oo degan Degaanada Kaxandhaale iyo Dacdheer oo kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Goobjooge.com