Sunday, June 22, 2025

Daahir Geelle: “Haddii Farmaajo fahamkiisa dowladnimadu kusoo koobmay qori amaankiisa furan yahay..”

Musharaxa xilka Madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle sheegay in hab dhaqanka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo uu keenay in badbaado qaran laga hadlo.

Musharaxa oo difaacay dhismaha Madasha Badbaado Qaran ayaa yiri: “Mar haddii walaalkeen Farmaajo fahamkiisa dowladnimadu ku soo koobmay qori amaankiisa furan yahay oo bulshada lala dhex ordaayo, waxaa qasab noqotay in badbaado qaran laga hadlo”.

Wuxuu sheegay in Qaranku muggiisu ka micno wayn yahay qori amaankiisu furan yahay oo marba qof lagu taago ama dibad baxe lagu dilo. “Dadku waxay u ooman yihiin dowladnimo iyo badbaado, waxa la badbaadinayana waa wadajirka iyo xasilloonida qaranka, sidaas in na loola fahmo ayaan rajaynaynaa” ayuu farriintiisa kusoo gabagabeeyay Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Maxamud Geelle
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON