iyadoo ay socoto diiwaangelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka bilaabatay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa halkaasi ku qulqulaya musharixiinta u taagan xilka ugu sareeya dalka.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa noqday musharixii labaad ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay u diiwaan geliyeen tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay 15-ka bishan ka dhacdo Muqdisho.
Musharax Daahir Geelle oo hore xilal wasiir uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray oo ay ugu danbeysay xukuumadii XasanC Cali Kheyre, isla markaana soo noqday safiir ayaa ka mida musharixiinta miisaanka leh ee xilka Madaxweynaha.
Musharax Sheekh Shariif ayaa isla maanta loo diiwaan geliyay musharax madaxweyne, markii uu noqday musharixii ugu horeeyay ee la diiwaan geliyay.
Waxaa xilka Madaxweynaha u sharxan siyaasiyiin gaaraya Afartameeyo, inkastoo aan la ogeyn inay is wada diiwaan gelin doono.
