C/qaadir Abuukar Shaacir oo ahaa dil-suge ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukunta dil toogasho 06-dii Disembar 2017 ayaa saaka lagu fuliyey dilkaasi oo ahaa kii labaad ee dhaca inta uu xilka hayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ninkan ayaa Alshabab u qaabilsanaa sahminta goobaha la qarxinayo, isagoo Gaadiidka qaraxa dhigi jiray goobaha uu sahmiyo, wuxuuna ka qeyb qaatay afar qarax oo dad gaaraya 26 qof ay ku dhinteen, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Qalabka sida.
HOOS KA DAAWO QARAXYADII UU KA QEYB QAATAY