DAAWO: Ra’iisal Wasaare Kheyre 24 Saacadood kadib Dadka kala hadlay Weerarkii Muqdisho

Ra’isulwasaare Hassan Ali Khaire oo Warbaahinta Dowladda kala hadlaya Shacabka Soomaaliyeed, 24 saacadood ka dib weerarkii Alshabaab ku qaadeen hoteelo iyo dhismooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

Ad

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada,sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale Ra’isulwasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

128,004FansLike
1,146FollowersFollow
3,344FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!