Waxaa goor dhow magaalada Garowe ee Puntland goor dhow ka furmaya doona shirar ay ku yeelanayaan Gllaha wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Golaha wasiirada maamulka Puntland.
Shirarkan ayaa ka dhici doona xarunta Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxayna qabsoomidooda yimaadeen kadib khilaaf ka dhashay socdaalka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Puntland oo salka ku haya inuu ka baaqsaday munaasabadii dhagax dhiggista dekadda Garacad.
Shirka hor ayaa waxaa yeelan doona Golaha Wasiirada Puntland, halka shirka xiga ay halkaasi ku yeelan doonaan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kasoo noqonaya shirkii saddexaad ee ka dhaca goob ka baxsay magaalada Muqdisho.
DAAWO HOOLKA SHIRARKA