Madaxweynaha xilk sii haya ee Soomaaliya ayaa maanta ka tegay magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Jubba Axmed Maxamed Islaam iyo Maxamud Sayid Aadan oo la socdaan mas’uuliyiinta maamulkaasi ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka magaalada Kismaayo
Xasan Sheekh ayaa sheegay in socdaalkiisa Kismaayo uu la xiriiro dhiirigelinta madaxa maamulka Jubbaland iyo Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee suurtogeliyey in doorashooyinka u dhacaan sidii loogu talogalay, wuxuuna intaas ku daray inuu wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay.
DAAWO SAWIRRO