Saturday, July 5, 2025

DAAWO: Xasan Sheekh oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Afar Musharax Madaxweyne [Akhriso]

Iyadoo ay kululaatay ololaha Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan hore loo arag uga hadaly kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya dhex yaala.

Isagoo hadlayay kadib markii Maxkamadu xukuntay in dacwada ay geli karto ayuu sheegay in dadkii dalkan madaxda kasoo ahaa ay galeen laba khalad oo waaweyn:

– Khaladka hore  oo ah inay fududeystaan oo ay sahladeen mas’uuliyadii loo dhiibay, (Arrintan waxaa cad inay ku socotay Shariif Sheekh Axmed oo hore u sheegay inuu waxba kala socon heshiiska hadda ee dowladii uu madaxweynaha ka ahaa ay la gashay Kenya)

Khaladka labaad ayuu ku tuhmay madax  dano gaara dartood u bixiyay Baddii Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay dano ka lahaayeen.

“Waxaa nasiib darro kuwii na dayacay ee sahlay in Baddeenu baxdo ama dano gaara ka lahaa ayaa maanta u soo xirtay jaakadaha inay xukunka dalka qabtaan, qof kasta waa garan karaa haddii dadka noocaasi ah ay talada dalka qabtaan waxay dalkan u horseedi karaan…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku baaqaya in laga fiirsado

Dadka waxaa ka mida kuwo Soomaalidu ku kalsoonaato oo xil u dhiibatay ee meel cidla ah uga cararay, Gaal hebel iyo dal hebel ayaa i diiday darteed xilkii uga cararay… iyagoo shacabka jidadka u taagan yihiin dalka ka cararay..ma qof cusub ayuu soo noqday..?

Hadaladan ayaa kuwii ugu adkaa musharax Xasan Sheekh ku halgaado musharixiinta kala ah: Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid, C/raxmaan C/shakuur, iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON