In ka badan 12 saacadood waxaa Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho ka dhex dagaalamaya Dabley ka tirsan Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku bilowday xalay maqribnimadii ku galay Hotelkaasi oo ku dhow Isgoyska KM4.
Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay Hotelka Salaadii subax, iyadoo weli aan lagu guuleysan in lasoo afjaro dableyda Alshabaab ee ka dhex dagaalameysa Hotelka oo tiradooda aan la shaacin, waxaana Hotelka la geeyay ciidamo fara badan.
Maleeshiyada Alshabaab oo weli ku jira Qeybta sare ee Hotel Hayat iyo Magacyada Dadka ku dhintay
Ciidamada Hotelka kula dagaalamaya dableyda Alshabaab waxaa ka mida kuwa gaarka ah ee Alfa. Qasaare dhimasho iyo dhaawac fara badan ayaa hotelka ka dhacay, waxaana soo baxaya magacyada dadka ku waxyeeloobay Hotelka.
Weerarka Alshabaab ayaa ah kii ugu cuslaa ee in muddo ah ka dhaca magaalada Muqdisho, iyo kii ugu horeeyay ee heerkan gaarsiisan intii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan weli wax tallaabo ah u qaadin arrimaha Amniga.
Taliyihii NISA ee Gobolka Banadir oo ku dhaawacmay Hotel Hayat iyo waxyeelo soo gaartay..
