Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen dad Itoobiyaan ah duleedka magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku dileen laba qof, kuna dhaawaceen laba kale.
Booliska Somaliland ayaa howlgal ka fuliyey goobta weerarku ka dhacay, waxayna sheegeen in dadka waxyeellada soo gartay ay yihiin Itoobiyaan, waxayna Boolisku gacanta kusoo dhigeen dableydii weerarka geysatay. Taliye ku xigeenka Ciidmada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay inay howlgal kusoo qabteen dableydii.
Wararka ayaa sheegaya in dadka Itoobiyaanka ah ee la weerarray ay ahaayeen muhaarijiin, lana soo qabtay saddex Nin oo dabley ah laguna sheegay Burcad isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya, waxayna boolisku sidoo kale soo qabteen maandooriye fara badan oo ay raggan isticmaalayeen.