Saturday, April 20, 2024

Dad ku dintay Daadad ku rogmaday Magaalada Baardheere iyo Wararkii ugu danbeeyay

Dad shacab ah ayaa ku dhintay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo kadib Daadad xoog leh iyo fatahaad ka dhacay magaalada, kadib roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada iyo Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ay maasheeyeen biyo xoog leh oo keenay qasaare dhimasho iyo burbur isugu jira, waxaana dadka dhintay ay gaaayaan ilaa 7 qof oo ah ku jiraan saddex qof oo isku qoys ah.

Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadh ay dhashay oo lagu magacaabo Ikram Abdi Ali Baarte iyo Wiil yar ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Daadadka ka dhashay Roob Xoogan iyo fatahaad Xalay ka Dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ad

Baardheere oo dhowaan 9 qof ku dhinteen kadib markii Daad culus ku rogmaday ayaa mar kale wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay Roobka iyo Daadadka uu watay, waxaana soo baxaya qeylo-dhaan ku saabsan in Gurmad degdeg loo fidiyo dadka magaalada Baardheere.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Baardheere isagoo u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabkii daadadka watay ee ka da’ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dad badan ay go’doomiyeen Daadadka laga soo saaray guryaha, waxaana magaalada oo dhan fadhiya biyo aad u badan oo dhaliyay inay dadkii ka barakacaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON