Thursday, April 18, 2024

XOG: Maxay Kooxda Ahlu-Sunna ku heysataa Wasiir Mukhtaar Roobow..?

Culimada Dariiqooyinka ee loo yaqaan Ahlu-Suna ayaa sheegay inay xiriirka u jareen Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo muddooyinkan danbe ay eedeymo culus u jeedinayeen.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in khilaafka ugu weyn iyo arrimaha ay ka careysan yihiin culimada Ahlu Suna ay salka ku hayaan Culimo ay Wasaaradu shaqaaleysiisay iyo Qoondo ay ka heli jireen adeegyada Xajka oo halis soo wajahday.

Khilaafka koowaad wuxuu ka dhashay markii Wasiir Roobow ku shaqaaleeyay Culimo Ducaad ah oo loogu talogalay inay xoojiyaan dagaalka dhinaca Diinta ahee lagula jiro Alshabaab, iyadoo la sheegay in culimada lasoo xulay ay intooda badan ahaayeen kuwa Salafiyiinta loo yaqaan, taasoo ay qeylo-dhaan ka keeneen Ahlu suna.

Ad

Arrinta labaad ee keentay khilaafka Ahlu suna iyo Wasiir Roobow ayaa ah Xajka oo ahaa muddo dheer ahaan mashruuc dhinacyo kala duwan hanti iyo Qoondooyin ka helaan, kaasoo Wasiir Roobow uu go’aansaday in lagu tartamo, shirkadahana ay kala reebaan Guddi uu dhisay.

Koox culimada Ahlu Suna ayaa ka hor timid sida wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta u soo xulay Culimada ay qoratay Wasaarada, waxayna arrinta u bedeleen in Wasiirku dhinacooda colaadinayo, iyagoo ku eedeeyay inuusan ka tanaasulin fekerkii Alshabaab.

Mar kale culimada Ahlu Suna oo warbaahinta kasoo muuqday waxay caddeeyeen Sheekh C/qaadir Soomow aanu metelin Culimada Ahlu-suna, markii uu dhexdhexaadin ka galay arrintooda, laakiin maanta ayuu Sheekh Soomow oo dhinaca kale ka tirsan culimada u qoran Dowladda caddeeyay inay xiriirka u jareen Wasiir Roobow.

- Advertisement -

Arrintan danbe waxay iyadana salka ku heysaa tartanka shirkadaha bixin doona Adeegga Xajka ee sanadkan oo wejigii koowaad laga gudbay, laakiin Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyay Wasiirka Sheekh Mukhtar Roobow inuu tartanka ka reebay shirkadihii Ahlu suna taabacsanaa, iyadoo aan la ogeyn shirkadahaasi sida loo reebay.

Wasiir Roobow ayaa wararku sheegayaan inuu dhabarka u ritay mas’uuliyadda maamulka Xajka, isagoo madaxda sare u ballanqaaday inuu si hufan oo daah furan sanadkan loo maamuli doono Xajka, waxayna kooxdii ugu horeysay ee qorshahaasi ka hor timaada ay noqotay Ahlu Suna-da siyaasiyiinta ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON