Sunday, June 22, 2025

Dadweynaha oo ka tashaday Maamulka G/Banadir, Dayactirna ku bilaabay Jid muddo xirnaa [Sawirro]

Shacabka kunool qaar ka mida xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay iskood ugu istaagaan dayactirka wado muhiim ah oo muddo dheer ay fadhiyeen biyo iyo wasakh, iyadoo maamulka G/Banaadir ku fashilmay inuu wax ka qabto.

Wadadda Balcad inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Hotel Kaah ayaa muddo dheer ahayd meel ay biyo fadhiyaan oo xirantay, iyadoo gaadiidka iyo dadku ay ka wareegtaan xaafadaha oo dhibaato weyn lagu qabay, waxaana dhibaatadan waxba ka qaban waayey maamulka G/banaadir oo canshuur ka qaata dadka Muqdisho.

Abaabul ay sameeyeen dadweynaha iyo  gaadiidleyda degaankaasi ayaa waxaa suuragshay inay ka bilaabaan maanta howlgal lagu nadiifinayo wadaddaasi, iyadoo si isku tashi ah lacago isaga ururiyey markii laga quustay maamulka G/Banaadir.

Ad

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON