Dagaal baraha bulshada ku dhex maray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiye C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa is-afgarad iyo waanwaan lagu soo dhammeeyay markii ay dhex galeen siyaasiyiin.
Dagaalkan labada mas’uul ku dhex maray baraha Facebook iyo Twitter-ka ayaa socday muddo saacado ah, wuxuuna mid kasta oo ka mida adeegsaday laba fal celis, isagoo ka dhashay war uu maanta jeediyey Guddoomiye Yariisow, kaasoo lagu weerarray mucaaradka dowladda.
Xildhibaan Fiqi ayaa jawaab kulul baraha bulshada u mariyey guddoomiye Yariisow oo isna jawaab ka bixiyey qoraalka xildhibaan Fiqi, laakiin waxaa hadalka sii waday Xildhibaan Fiqi taasoo keenay inay ku soo baxaan guddoomiye ku xigeenada Gobolka banaadir oo xabad joojin dhex dhigay labada mas’uul.
Xildhibaan Fiqi ayaa xaqiijiyey xalka laga gaaray dagaalkan nooca cusb ah, wuxuuna sheegay in akhyaar maamulka Gobolka Banadir ka tirsan ay galeen sida uu yiri kaftankii yaraa ee isaga & guddoomiye Yarisow dhexmaray, arrintaas oo iminka la dhameeyey!
Xildhibaan Fiqi: “Yariisow hala gaarsiiyo Shacabka Muqdisho uma baahna Guulwade..” [Jawaab Culus]