Thursday, July 17, 2025

Dagaal Culus oo Alshabaab Caawa ku qaadeen Ciidamada NISA ee Siinka dheer & Wararkii ug danbeeyay

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu caawa fiidkii ka dhacay degaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay weerar ku qaaday kooxda Al-shabaab saldhig ay halkaasi ku laaheeyen ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus oo kooxda Alshabab ay ku ekeeyeen Barta koontaroolka ee ciidamada NISA ku leeyihiin degaankaasi Siinka dheer oo ah halka laga soo galo magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalku socday muddo ku dhow 40  daqiiqo iyadoo saddex jiho uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada dowladda ee NISA ayaa la sheegay inay iska difaceen weerarka Alshabaab, waxaana la soo weriyey in qasaare uu soo kala gaaray labada dhinac, sida ay sheegeen saraakiisha amniga oo ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON