Sunday, June 22, 2025

Dagaal Culus oo Alshabaab ku qaaday Degmada Ceeldheer iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maleeshiyada Alshabaab saaka waaaberigii ku qaaday degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, kaasoo dhaliyay qasaare xoog leh.

Dagaalka ayaa qarxay kadib weerar dhowr jiho ah oo qaraxyo is-miidaamin ah ku bilowday ay Shabaabku ku ekeeyeen magaalada Ceeldheer oo muddooyinkii danbe ay dhaqdhaqaaqyo milateri ka wadeen ciidamada dowladda ee halkaas la geeyay, waxaana soo baxaya in magaalada ay galeen Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Somaliya C/raxmaan Alcadaalla ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Alshabaab si adag loogu jabiyay Ceeldheer, isla markaana Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha deegaanku ay wadaan dhamaystirka hawlgalka.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay cagta mariyeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Ceeldheer, isla markaana ay la wareegeen degmada Ceeldheer, isla markaana ay laayeen ciidamado badan ee dowladda iyo kuwa degaanka oo gaaraya 59 askari.

Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay inay cagta mariyeen afar sldhig oo saddex ka mida ay fadhiyeen ciidamada dowladda ee lagu soo tababarray dalka Masar iyo kuwa Gorgor, kadibna ay dagaal la galeen ciidamada Gorgor, ayna la wareegeen Gaadiid dagaal, dhimashaduna badan tahay.

Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijin karta sheegashada labada dhinac, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in dagaalku dhaliyay qasaare xoog leh oo labada dhinac soo gaaray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON