Saturday, April 20, 2024

Dagaal Culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo iyo faahfaahin Qasaaraha kala gaaray…

Dagaal culus ayaa duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka oo dhinac ah ah iyo maleeshiyada alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii weerar culus ay saaka deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ku qaadeen Alshabaab, kaasoo dhaliyey qasaare kala duwan.

Saraakiisha ciidamda ee Jubbaland ayaa sheegay in Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhigga ciidamada ee degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose, isla markaana jab xoog leh la gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga war hayey oo maleyshiyaad badan looga dilay goobta gaadiid dagaalna looga gubay.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegeen laba saldhig oo ciidmdaa dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni, ayna ku dileen ilaa 40 askari.

Ma jiro cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha labada dhinac kala gaaray, laakiin dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inuu dagaalku ahaa mid xoog leh oo qasaare badan dhaliyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON