Thursday, January 20, 2022

Dagaal Culus oo ka socda degaan ka tirsan Gobolka Mudug & Alshabaab oo weerar ku qaaday…

Dagaal culus ayaa ka socda degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaasoo u dhaxeeya maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa qarxay, kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaadeen degaanka Wisil oo u dhaxeysa magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku weli socdo.

Weerarka Alshabaab ay ku bilowday qarax, waxaana xigay rasaas xoog leh oo ka dhaceysa gudaha magaalada, iyadoo dadka degaanka ay ku tooseen rasaasta culis iyo dagaalka.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo gurmadyo helay ay dib isaga caabiyeen weerarkii Alshabaab, waxaana jira qasaare xoog leh oo dagaalku dhaliyey, iyadoo rasaas goosgoos ah weli laga maqlayo duleedka degaanka Wisil.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!