Thursday, July 17, 2025

Dagaal ka dhacay Mudug iyo Degaan Dhufeysyo u ahaa Alshabaab oo laga qabsaday

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ee hoostaga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dagaal ku qaadeen degaanka Doonyaale oo ahaa Goob ay difaac ka dhigteen Alshabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwaa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal ay ku qaaday maanta degaanka Doonyaal, iyagoo kala wareegay maleeshiyaadka tirsan Al-shabaab oo halkaasi ka qotay dhufeyso waaweyn iyo Godad.

Degaankan ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug ee degaannada maamul goboleedka Galmudug, waxayna Alshabaab mara badan ka soo qaaday weerarro gaadmo ahaa.

Taliyaha ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Maamulka Galmudug ay dagaalka khasaare ku gaarsiiyeen Khawaarijta iyagoo ugu galay gododkii ay gabbaadka ka dhigaan jireen.

Ma jirto faahfaahin kal oo lagha helay dagaalka ka dhacay Doonyaale oo yimid , iyadoo ay hakadeen dagaalladii ciidamada dowladda kula jireen Alshabaab ee ka socday Galmudug io Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON