Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu degaan ka titsan degmada Jalalaqsi dagaal dhex maray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Degaanka iyo Alshabaab.
Dagaalka oo dhinaca dowladda ay sheegeen in khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weli ka socda degaanka Inji ee hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka kala duwan.
Weerarka ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka, markii ay ka war heleen maleeshiyo Alshabaab oo isu abaabushay inay ka gudbaan Webiga Shabeelle.
Waxaa dagaalka guulo ka sheegtay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, iyadoo aan weli la helin faahfaahin qasaaraha dagaalka socda ka dhashay.